990 Views

Bandow lagu soo rogayo degmooyin ka tirsan Puntland

Bandow lagu soo rogayo degmooyin ka tirsan Puntland
____________________________________________________________________________

Muqdisho|| QOL| October 24 2021=Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Xuseen Cali Maxamuud ayaa ugu baaqay ciidamada Booliska ee Gobolka Bari in ay ku sugnaadan goobahooda shaqada Marka laga reebo ciidamada ku jira xaqiijinta amaanka Gobalka islamarkaana ay gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo igmaday iyagoo u dhimrinaaya shacabka.

Taliye Xuseen ayaa sida oo kale sheegay in la xiri doona isku socodka Gaadiidka 24 saac laga bilaabo lixda Makhribnimo ee Caawa dhamaan Degmooyinka Gobolka Bari waxaana uu bulshada faray in ay qaataan Awaamiirta.

25-ka Bishaan oo beri ku beegan ayaa la qorsheynayaa in Saddexda degmo ee kala ah, Qardho, Eyl iyo Ufeyn inay ka dhacaan doorashooyinka Golaha degaan ee qof iyo Cod, waxaana socda diyaar garoowgii ugu dambeeyay.

Hoos Ka Ahriso Tirada Ururada tartamaya, kuraasta la doornayo, tirada dadka codrynaya iyo musharixiintabtartamaya..

▪︎8 urur siyaasadeed ayaa ku tartamaya.

▪︎54 xarumood ayaa laga codaynayaa.

▪︎37,578 ruux ayaa kaadhadhka qaatay.

▪︎449 musharrax ayaa tartamaya

▪︎87 kursi ayaa lagu tartamayaa.

▪︎Qardho:33 kursi

▪︎Eyl:27 kursi

▪︎Ufeyn:27 kursi

Xafiiska Wararka|Qaranimo Onlin| Muqdisho

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post