1245 Views

Xaalada Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo caawa dagan kadib Dagaal maanta ka dhadcay

Xaalada Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud oo caawa dagan kadib Dagaal maanta ka dhadcay
____________________________________________________________________________

Axad: January 9, 2022

Wararka ka imaanaya caawa Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in caawa maqribkii ay is taagtay Xabada maanta halkaas ka socotay.

Dagaalkan oo u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Galmudug iyo ciidamada Gorgor oo Magaalada Guriceel loo geeyey dagaalkii lagula jiray kooxda Ahlu Sunna ayaa soo lab laabtay.

Is rasaasey ayaa mar kaliya ka dhex bilaabataya labada Ciidan. Kadib khilaaf ka dhashay Askar ka tirsan Ciidamada Gorgor oo kamid noqday Dad ay xireen shalay Ciidanka Booliska laguna eedeeyay falal amni darro in ay qayb ka ahaayeen.

Sidoo kale xaalada ayaa caawa dagan waxaana la sheegay in ay jiraan waan waan laga dhex bilaabay arintaas oo ku aadan in dagaal uusan Mar kale bari ka qarxin Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post