657 Views

M/Yurub oo xal u raadinaysa khilaafka u dhexeeya Xukuumadda Somaliland & mucaaraadka

M/Yurub oo xal u raadinaysa khilaafka u dhexeeya Xukuumadda Somaliland & mucaaraadka
____________________________________________________________________________

Khamiis: June 2, 2022

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa uu bilaabay dhex dhexaadin ku aadan sidii loo soo gaba gabeyn lahaa khilaafka u dhexeeya Xukuumadda Soomaaliland iyo xubnaha mucaraadka.

Xalay ilaa shalay waxaa ay kulamo la qaadatay wasiirka arimaha gudaha soomaaliland, xubnaha ka mid ah xisbiga mucaaradka ee Wadani

Dhinacyadan ayaa waxaa ay ugu hadleen in si deg deg loo gabagabeeyo khilaafka u dhexeeya Xukuumada Soomaaliland iyo xisbiyada mucaaraadka.

Maanta ayaa waxaa lagu wadaa in safiirka midowga Yurub ay la kulanto madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Khilaafka u dhexeeya xukuumadda Soomaaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa ka dhashay qabashada doorashada madaxtooyada ee Soomaaliland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post