495 Views

Ciidamada Haramcad ee la geeyay B/weyne oo dagaal ku dilay Taliyihii saldhigga Degmadaas

Ciidamada Haramcad ee la geeyay B/weyne  oo dagaal ku dilay Taliyihii saldhigga Degmadaas
____________________________________________________________________________


khamiis: February 17, 2022

 Wararka naga soo gaarayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka Beledweyne uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada Booliska iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran Haramcad ee la geeyey halkaasi.

Iska hor imaadka ayaa ka qarxay gudaha saldhigga Beledweyne, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan ciidamada Haramcad ay ku dileen taliyihii saldhigga booliska ee degmada Beledweyne Maxamed Xuseen Maxamuud (Duur-jooge) oo ku sugnaa saldhigga, xilliga ay dhaceysay is-rasaaseynta u dhexeysay labada ciidan.

dagaalka ayaa ka dhashay, kadib markii is faham waa uu soo kala dhex-galay labada ciidan, kaas oo ka dhashay dad lagu xiray saldhigga.

Sidoo kale  arrimahaan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan Beledweyne uu ku sugan yahay Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo heshiis la gaaray reer Beledeyne, kaddib kulamo is-daba joog ah oo ka dhacay xarunta Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post