597 Views

Kooxda TPLF ee dagaalka kula jirtay dowladda Itoobiya oo sheegtay in dedaallada dibloomaasiyadda horumar laga gaaray iyo wada hadalka socda

Kooxda TPLF ee  dagaalka kula jirtay dowladda Itoobiya oo  sheegtay in dedaallada dibloomaasiyadda horumar laga gaaray iyo wada hadalka socda
____________________________________________________________________________

Axad: January 30, 2022

Kooxda TPLF ee mudada sanadka ka badan dagaalka kula jirtay dowladda Itoobiya, ayaa sheegtay in dedaallada dibloomaasiyadda horumar laga gaaray

Hogaamiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa sheegay inay jiraan wadahadallo aan toos ahayn oo ay la leeyihiin xukuumadda Addis Ababa, isagoo tilmaamay in tallaabadaas ay dhalisay in labada dhinac ay isu soo dhawaadaan.

“Waxaan rabnaa in xal nabadeed lagu dhameeyo colaadda, balse haddii loo baahdo waan sii wadi doonnaa dagaalka si aan u ilaalino xuquuqda shacabka Tigray,” ayuu yiri Gebremichael.

Ra’iisal wasaare Abiy ayaa mudooyinkii dambe u muuqday inuu raadinayo xal aan xabbad ahayn in laga gaaro colaadda Tigray.

Waxa uu xabsiyada ka sii daayay maxaabiis, waxa uuna meesha ka saaray xaaladda degdeg ah ee uu dalka ku soo rogay.

Muranka dhuleed ee ka dhexeeya Amxaarada iyo Tigray, iyo weliba qorshaha Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee ka dhanka ah TPLF ayaa la filayaa inay adkeeyaan wadahadallada labada dhinac.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post