678 Views

Pakistan: Boqolaal qof oo laga soo badbaadiyay barafka xayiray

Pakistan: Boqolaal qof oo laga soo badbaadiyay barafka xayiray
____________________________________________________________________________


Axadf: January 9, 2022

Boqolaal qof oo ku xayirmay gudaha baabuurtooda ayaa lasoo badbaadiyay xilli qaar kamid ah waddooyinka Pakistan uu xiray barafka, waxaana waddooyinka laga nadiifinaya barafka.

Booliisku waxay sheegeen in ilaa 500 oo qoysas ah ay ku go’doonsan yihiin waddooyinka.

Ugu yaraan 22 qof ayaa dhintay barafka oo ay ku jiraan qoys ka koobnaa 8 qof , sida ay sheegeen saraakiisha.

Dabeylaha barafka wata ayaa xiray waddooyinka markii ay kusoo dumeen geedaha xilli barafka uu xiray goobaha ku xeeraha buurta Murree ee Pakistan.

Dhammaan dadkii ka badbaaday markii ay ku xayirmeen baabuurtooda ayaa hadda la sheegay in ay bad qabaan, iyadoo qaarkood la geeyay guryo laga sameeyay magaalada loo dalxiis tago

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post