3177 Views

Ugu yaraan 50 Qof oo lagu dilay Myanmar

Ugu yaraan 50 Qof oo lagu dilay Myanmar
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 27da Maarso, 2021–Ugu yaraan 50 qof ayaa lagu diley guud ahaan Myanmar kadib markii ciidamada amaanka ay rasaas ku fureen dadka mudaharaadayey, sida ay ku warantay warbaahinta maxaliga ah.

Tirada dhimashada waxay ka dhacday  13 magaalo ee ugu weyn dalka, waxaana ku jira caasimada ganacsiga ee Yangon.

Tani  ayaa  ku soo beegantay iyada oo shalay uu sheegay  Janaraalka hogaamiya militariga Myanmar uu ballanqadaay in la qaban doono doorasho, ka dib afgembigii dalkasi ka dhacay bishii February.

Tan iyo intii ay dibadbaxyada bilaabmeen ayaa waxaa booliiska dalkaasi lagu eedeeyay in ay awood xad-dhaaf ah adeegsaden islamarkana ay dileen dad dibadbax dhigayay.

Mareykanka iyo qaar ka mid ah dalalka Yurub ayaa waxaa sarakiil ka tirsan maamulka militariga ay ku soo rogeen cunaqabateyn.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post