948 Views

Ku dhawaad 10 qof oo Afghani ah ku dhimatay markii hoobiye uu ku habsaday guri ay ka socotay xaflad aroos

Ku dhawaad 10  qof oo Afghani ah  ku dhimatay  markii hoobiye uu ku habsaday guri ay ka socotay xaflad aroos
____________________________________________________________________________

May 31 2021

ugu yaraan lix qof oo rayid Afghani ah ayaa la dilay tiro kalana waa la dhaawacay kadib markii hoobiye uu ku habsaday guri ay ka socotay xaflad aroos, sidaasina waxaa Axadda maanta ah sheegay saraakiisha amniga.

Qaraxa oo dhacay fiidnimadii Sabtida ayaa ka dhacay degmada Tagab ee waqooyiga gobolka Kapisa, halkaasi oo ay ka dhacaan dagaallada u dhexeeya ciidamada dowladda Afghanistan iyo kuwa Taliban.

Afhayeenka booliska gobolka, Shayeq Shoresh, ayaa ku eedeeyay kooxda Taliban in ay soo gantay hoobiyaha, wuxuuna intaa ku daray in ugu yaraan lix qof oo rayid ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur la dilay halka afar kalena la dhaawacay.

Laakiin sarkaal sare oo ka tirsan waaxda amniga ee Kabul ayaa tirada dhimashada ku sheegay ugu yaraan 10 qof, iyo 18 dhaawac ah.
Afhayeen u hadlay Taliban ayaa eedda iska fogeeyay waxaana uu sheegay in hoobiyaha ay tuureen ciidamada amniga.

Reuters

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post