1140 Views

Dalka Maali Oo Yeeshay Ra’iisul Wasaare Cusub

Dalka Maali Oo Yeeshay Ra’iisul Wasaare Cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 23, 2019 –Madaxweynaha dalkaasi, Ibraahim Buubakar Keyta waxa uu Wasiirkii hore ee Maaliyadda ee dalkaasi, Bubu Ciise  u magacaabay Ra’isul-wasaaraha dalkaasi.

Magacaabistan ayaa timid, maalmo kadib, markii  ay is-casileen Ra’isul-wasaarihii dalkaasi, Sumeylo Buubeye Mayga iyo Xukuumadiisa oo lagu eedeeyey inay ku fashilmeen inay hub-ka-dhigis ku sameeyaan Maleeshiyo Beeleedyo Xoolo-dhaqato iyo Beeralay oo ku nool Waqooyiga dalkaasi.

Bishii la soo dhaafay ee Maarso, iska horimaad dhex maray Beelahaasi waxaa lagu dilay 160 qof oo ka soo jeeda Xoolo-dhaqatada Beesha Fulaani.

 

Dhinaca kale, weerarkii ugu dambeeyey ee ka dhaca dalkaasi waxa uu dhacay Axaddii la soo dhaafay, kadib, markii dabley aan la aqoonsanin beegsadeen Saldhig Milliteri, oo ay ku dileen 11-Askari, kuna gubeen Xeradaasi.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment