639 Views

Puntland oo gacanta kusoo dhigtay Nin dil u geystay dad shacab ah

Puntland oo gacanta kusoo dhigtay Nin dil u geystay dad shacab ah
____________________________________________________________________________


Axad March 13, 2022

In mudo ah ayey baadi goob ugu jireen Ciidamada Booliska Puntland qeybta Magaalada Gaalkacyo sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen nin Magaciisa lagu sheegay Mowliid Maxamuud Nuur oo ku magac dheer ina Caano boore kaas dil u geystay laba ruux oo shacab ah.

Saraaiiisha Ciidamada ayaa tilmaamay kadib markii ay Magaalada Ka sameeyeen howlgalo is xig xiga ay u suurtagashay in ay gacanta kusoo dhigaan eedeysane Mowliid Maxamuud oo Baxsad ka ahaa laamaha ammaanka  islamarkaana dil u geystay marxuumiinta kale ah Axmed Raawe iyo Maxamud Siciid Muuse.

Sidoo kale, Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa xusay in eedeysane  Mowliid Maxamuud Nuur oo ku magac dheer ina Caano boore uu ahaa mid Maxkamada darajada koowaad ee Gobolka Mudug ay xukun ku riday, kadib markii lagu eedeeyay inuu ka mid yahay dadka ka ganacsan jiray maandooriyaha Khamriga.

Laamaha ammaanka Magaalada Gaalkacyo eeeXarunta Gobolka Mudug ayaa waayihii dambe waday howlgalo qorsheysan oo ay kula dagaalamayaan waxyaabaha maanka dooriya sida Xashiiska iyo Khamriga, iyagoo marar badan soo bandhigay kuwa ay soo qabteen iyo dadkii ka ganacsanayay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post