726 Views

Agaasimihii hore ee PSF oo sheegay in Puntland ay ka baxday xabad joojinta

Agaasimihii hore ee PSF oo sheegay in Puntland ay ka baxday xabad joojinta
____________________________________________________________________________

khamiis December 23, 2021

War qoraal ah oo ka soo baxay agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF ayaa iyaguna eedeyn kulul u jeediyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland, waxaa ayna ku dhaliileen in ay hurinayaan colaada ka taagan magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.


Qoraalka ayaa lagu sheegay in madaxda Puntland ay ka baxeen xabad joojinta, islamarkaana waxaa ay sheegeen inay is difaaci doonaan haddii weerar lagu qaado.


Maamulka Puntland ayaa ku eedaysay Agaasimihii xilka laga qaaday ee PSF Maxamuud Cismaan Diyaano in uu hurinayo colaad ka dhacda Boosaaso.

War ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Agaasimihii hore PSF uu si aan kala sooc lahayn magaalada Boosaaso ugu duqaynayo hoobiyaal kamid ah hantida hay’addaas PSF.

Labada dhinac ayaa shalay ku dhawaaqay xabbad-joojin inkastoo aysan dhaqan-gelin islamarkaana dib dagaal uga qarxay magaalada Boosaso.


Ma cadda ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay magaalada Boosaaso oo ay dadku sheegeen in uu ahaa mid culus.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post