1134 Views

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha xarunta gurmadka deg dega ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha xarunta gurmadka deg dega ah
____________________________________________________________________________

Sabti: November 20, 2021

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta dhagax dhigay mashruuc dhismo oo laga fulin doono Isbitaalka Laasaleeti ee degmada Cabdicasiis, oo kamid ah xarumaha danta guud ee bulshada loogu shaqeeynaayo, iyadoo mashruucan oo noqon doono xarunta Qaran ee gurmadka deg dega ah.

Isbitaalka Laasaleeti ayaa bixin jiray adeegya Caafimaad oo muhiim u ah bulshada Caasimadda, waxa uuna kamid yahay xarumaha taariikhiga ah ee ku yaalla magaalada Muqdisho, inkastoo uu kamid noqday goobihii danta guud ee ku burburay Dagaaladdii dalka ka dhacay.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post