975 Views

Ciidamada Booliska Somaliland oo sheegay in dadka Konfurta Somaliya ka imaado iyo Itobiyanka ay isku Xuquuqyihiin ajnabi.

Ciidamada Booliska Somaliland  oo sheegay in dadka Konfurta Somaliya ka imaado iyo Itobiyanka ay isku Xuquuqyihiin ajnabi.
____________________________________________________________________________

Sabti: October 2, 2021

Maamulka Somaliland gaar ahaan Ciidamada Booliska Somaliland ayaa xalay ka sameeyeen qeybo ka mid ah magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, Howlgalo ay ku soo qab qabteen dadka ka soo jeeda Konfurta Somaliya.

Howl-galkan oo si gaar ah loogu beegsaday dadka ka soo jeeda deegaan ahaan koonfurta ayaa waxaa lagu soo qabtay dad u badan ganacsato, sida ay saxaafada u sheegeen dadka Degaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dadkii xalay lagu qab qabtay halkaas ay gaarayaan ilaa 200 oo qof, waxaana  la isugu geeyey garoonka Cabdi Bille oo ku yaalla magaaladaasi, halkaas oo su’aallo lagu weydiinayo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamadu ay diideen in la booqdo dadkaasi, waxaana howl-galkan uu saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga ee Laascaanood.

Taliyaha Ciidamada Booliiska ayaa sheegay in dadka ka imaada Koonfurta ay la midyihiin ajnabiga Itobiyanka ee jooga  Somaliland. Ayna sharci ku joogaan dalka hadii kale ay iskaga baxaan .

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post