1002 Views

Puntland oo Maanta ku dhawaaqeysa Natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare

Puntland oo Maanta ku dhawaaqeysa Natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare
____________________________________________________________________________

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa shaacisay in Maanta oo Khamiis ah ay shaacin doonto Natiijada imtixaanaadka dugsiyada sare oo ay Wasaaraddu qaaday.
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Waxbarashada Puntland ayaa la ogeeysiiyay Guddoomiyeyaasha Waxbarashada ee heer gobol iyo heer degmo, maamuleyaasha dugsiyada sare ee Puntland, macallimiinta iyo waaliddiintaba in maanta oo khamiis ah, taariikduna tahay 8da bisha Julay 2021, la soo bandhigi doono natiijada imtixaanaadka ee dugsiyada sare ee Puntland.

Sidoo kale waxaa ay wasaaradda ugu baaqday in ay isdajiyaan ardaydu, oo ay si deggan ula socdaan natiijada imtixaankooda iyaga oo adeegsanaya roll-numberkooda imtixaanka, galinayana shirkadda Golis 299, ama web-ka Wasaaradda ayaa ay ardaydu ka daalacan karaan natiijada imtixaanka sida www.moepuntland.com.
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Puntland ayaa qaadista Imtixaanka ee sannad-dugsiyeedka 2020/2021ka waxaa bilaawday 22-kii bishii amy, iyada oo ay u fadhiisteen 17, 735 ( Todobiyo Tobankun, Todoba Boqol Sodon iyo Shan) Arday.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post