3450 Views

Maxaa maanta ka socda magaaladda Muqdisho?

Maxaa maanta ka socda magaaladda Muqdisho?
____________________________________________________________________________


Muqdisho, 18da Maarso, 2021
Sida ay baahisay warbaahinta Dowladda Wajigii 2aad ee Shirkii Wadatashiga Doorashooyinka ee heer Wasiir ayaa maanta ka furmay Hotelka Decala ee Garoonka Aadan cadde. Wajigii 1aad ee Shirkan ayaa horay uga dhacay Baydhabo,  iyadoona Shirkaasi lagu gaaray go’aamo Masiiri ah.

Shirkan ayaa hordhac u yahay Shirka Madaxda Federaalka iyo Madaxda Dowlad Goboleedyadda  iyo Gobalka Banaadir oo la filayo in dhowaan uu Muqdisho ka furm,Shirkaan ayaa waxaa hoggaaminaysa beesha Caalamka ka dib markii dowladda dhexe ay ku fashilantay in ay isugu keento maamul goboleedyada.

Puntland waxa ay beenisay in ay qeyb ka tahay shirka heer wasiiro.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ka mid ahaa Guddigii farsamada Magaalada Baydhabo ee ka socday maamulka Puntland ayaa beeniyay war ay baahisay dowladda Soomaaliya ee ah in uu furmay Shirka.

Wasiirka waxaa uu sheegay in warka dowladda aysan waxba ka jirin, islamarkaana uusan jirin Shir ka furmay Muqdisho.

“Ma jiro wax shir wadatashi arrimaha doorashooyinka Soomaaliya ah oo wali ka furmay Mogadishu”ayuu yiri Wasiir Dhabancad.

Jubbaland ayaa sidoo kale beenisay in ay qayb ka tahay shirka guddiga heer wasiir ee maanta ka furmay magaaladda Muqdisho.

Qoor qoor VS Deni.

Waxaa bilowday dadaalo la isugu keenayo Madaxweynayaasha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor oo khilaaf soo kala dhex galay, kaddib hadalkii Madaxweyne Deni jeediyay magaaladda ee uu uga hadlay xaaladda wadanka.

Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda labada dhinac ayaa bilaabay kulamo labada dhinac hordhac ah oo ay labada dhinac isugu kala dab qaadayaan, si mad-madowga ka dhex jira Labada Madaxweyne loo xaliyo ka hor shirka.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu qeyb ka yahay dadaaladaas, waxaana maanta oo Khamiis ah kulan qado ah yeelanaya Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Qoorqoor.

Kulankan ayaa hordhac u ah kulan dhowaan yeelan doonaan Deni iyo Qoorqoor.

Tan iyo markii maalin ka hor uu Muqdisho soo gaaray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor waxaa bilowday shir doceedyo lagu xalinayo caqabadaha ka jira qabsoomida shirka la filayo inuu dhex maro Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Dhamaan madaxda maamul goboleedyada ayaa ku sugan magaaladda Muqdisho marka laga reebo madaxweynaha Koofur Galbeed Cabdicasiis laftagareen safar caafimaad ugu maqan dalka Turkey.

Beesha Caalamka oo dusha u ridatay wax walba oo shirkaasi ku baxaya hadii ay qarashaad iyo amaanka ayaa ku dadaalaysa sidii uu furmi lahaa shir u dhexeeya madaxda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada loona xali lahaa khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post