258 Views

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Sciid Deni oo xalay u dabaal-degeya sannadkiisii oo Xasan Shiikh ku eedeeyey in ay dalka ku celinayso xillii Kacaanka

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Sciid Deni oo xalay u dabaal-degeya sannadkiisii oo Xasan Shiikh ku eedeeyey in ay dalka ku celinayso xillii Kacaanka
____________________________________________________________________________

Arbaco: January  11 2023

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Sciid Cabdullaahi Deni oo caawa u dabaal-degeya sannadkiisii u danbeeyey ayaa xukuumadda Xasan Shiikh ku eedeeyey in ay dalka ku celinayso xillii Kacaanka, isaga oo difaacay go’aankii Puntland ku diiday Qodobadii Shirkii Muqdisho.

Siciid deni ayaa kusifeeyey labadii qodob ee madasha la keenay in ay ahaayeen wax kasoo horjeeda dawladnimada Soomaaliya, nidaamka kala sareynta awoodaha ayuu sheegay in Dawladda Federaalka ay madasha la timi sharciyadii dawladdii Kacaanka oo ay dadka Puntland iska diideen xili hore.

Puntland ayaa cadeyn doonta mawqifkeeda labada Habraac ama heshiis ee ay sheegtay Villa Soomaaliya in lagu heshiiyey, Deni ayaa mawqifkiisa u sheegay dhinacyada oo ahaa in aysan socon doonin qodobada la shaaciyey oo dib loogu laaban doono, taas oo ka dhigan in shirkii Madasha ee December-2022 ahaa mid fashilan.

Puntland ayaa maalmaha nagu soo wajahan soo saari doonta go’aan cad oo ay ku diidi doonto heshiiskii la sheegay December-2022 in ay Madaxda madasha wadatashiga ee DF Soomaaliya  iyo  Dawlad gobaleedyadu ku gaadheen Muqdisho.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post