984 Views

Angela Merkel oo ugu baaqdey Ruushka inuu joojiyo ciidamada uu kusoo daabulayo xuduuda u dhaxaysa Ukraine iyo Ruushka

Angela Merkel oo  ugu baaqdey Ruushka inuu joojiyo ciidamada uu kusoo daabulayo xuduuda u dhaxaysa Ukraine iyo Ruushka
____________________________________________________________________________

April 10-4-2021

Hogaamiyaha dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa ugu baaqdey in Ruushka inuu joojiyo ciidamada uu kusoo daabulayo xuduuda u dhaxaysa Ukraine iyo Ruushka iyada oo laga cabsi qabo in ay xiisadi ka qaraxdo gobolka Donbas.

Ciidamada Ukraine iyo jabhad uu taageero Ruushku oo doonaya in ay goostaan gobolkaas ayaa dagaalo waxa ay ku dhex mareen deegaankaas oo qaybo badan oo ka mid ah ay jabhadu qabsatey bishii Abril ee sannadkii 2014kii.

Xubnaha ku jira ururka NATO ayaa sheegay in qaabka keliya ee lagu soo afjari karo rabshadaha deegaankaas ka aloosani ay yihiin dulblamaasiyad, Mareykankuna dhowaan ayuu ka dalbay in Ruushku sharxo dhaqdhaqaaqyada uu ka wado deegaankaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post