816 Views

‘Trump oo isteerinka gaariga kula dhagay darawalkiisa

‘Trump oo isteerinka gaariga kula dhagay darawalkiisa
____________________________________________________________________________


Khamiis: June 30, 2022

Ilaa hadda guddiga Koongress-ka ee baaraya weerarkii 6-dii bishii January ee ka dhacay xarunta Capitol ee Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa waayay waxyaabo muhiim ah oo ku saabsan baaritaanka dhacdadaas- gaar ahaan cidda ku marqaati furi karta waxa dhacay iyo cidda ka dambeysay rabashadihii ka dhacay Aqalka Cad xilliggii Trump looga guuleystay doorashada.

Cassidy Hutchinson, oo hore u ahaan jiray kaaliyaha sare ee madaxa shaqaalaha ee Aqalka Cad Mark Meadows, ayaa ka hadashay arrimo xasaasi ah.

Waxayna sawirtay sawir aad u xun oo uu ka mid yahay eedaymo uu Trump diiday, kaas oo ahaa in uu isku dayay in uu isteerinka gaarigii uu la socday uu xoog kula wareego isaga oo la legdamay askari ka tirsan ciidanka sirdoonka , wuxuu Trump isku dayay in uu gaarigiisa u weeciyo dhanka xarunta Capitol Hill halkaas ooo taageerayaashiisa ay ku qabanyeen isu soo baxyo.

Trump wuxuu isteerinka gaariga kula dhagay darawalkiisa isaga leh ‘i gee xarunta Capitol’

Wuxuu ku yiri darawalka, “waxaan ahay madaxweynaha, hadda I gee xarunta Capitol” sida laga soo xigtay kaaliyihii hore ee madaxa shaqaalaha Aqalka Cad xilliggii dowladdii Trump.

Halista rabshadaha oo la iska indho tiray

Xilliggii ay bilaabatay dhageysiga dacwadda, guddiga aqalka Koongareeska waxay si qoto dheer uga doodeen sida Aqalka Cad iyo madaxweynaha laftiisa ay u ogaayeen halista ka dhalatay rabshadihii 6-dii January ka dhacay halkaas iyo in aysan qaadin wax tallaabo ah oo looga hortaggayo dhibaatadaas.

Ms Hutchinson waxay ku marag furtay in madaxii shaqaalaha ee Aqalka Cad Mark Meadows ay u sheegtay maalmo ka hor in xaaladda ay faraha ka bixi karto.

Waxay ka hadashay sida saraakiisha Aqalka Cad looga digay suurtagalnimada in rabshado ay dhacaan.

Waxay tiri Donald Trump shakhsi ahaan wuu ogaa in taageerayashiisa isu soo baxa ka dhigayay meel u dhow Aqalka Cad ay hubaysnaayeen sababta oo ah waxaa goobta ka leexiyay ciidamada uu jiheeyay dibadbaxyaasha dhinaca Capitol Hill. “Ma daneynayo in hub ay sitaan, halkan uma joogaan inay i dhaawacaan, dadkeyga ha soo gaalaan halkan, waxay isu soo baxyo ka dhigi karaan Capitol iyaga oo ka duulaya halkan” ayay tiri Ms Hutchinson oo aheyd kaaliyihii hore ee madaxa shaqaalaha Aqalka Cad. Tan iyo markii uu hadalkan kasoo baxay Ms Hutchinson, ilo ku dhow ciidamada ilaalada madaxweynaha ayaa u sheegay CBS News in labada wakiil iyo darawalka gaariga kula safrayay Mr Trump ay diyaar u ahaayeen in ay ku marag furaan in madaxweynihii hore uusan jir ahaan weerarin midkoodna uusan waligii isku dayin in uu kula dhago isteerinka gaariga. Isla maalintaas, Ms Hutchinson waxay shaacisay hadal ay ka maqashay madaxii shaqaalaha Aqalka Cad Mr Meadows oo leh xilliggaas, ‘markii ay ogaatay in dadkii ay ku baaqayeen in la daldalo madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, Mr Trump wuxuu muujiyay oggolaansho. Ms Hutchinson oo ka hor hadleysay guddiga baarayay rabshadihii ka dhacay Mareykanka ayaa soo quftay caddeymo hor leh oo ku saabsan rabshadahaas iyo kaalinta Trump uu ka geystay.

Iyadoo gabadhan horey uga tirsaneyd Aqalka Cad ay bannaanka keentay warbixin xasaasi ah oo ku saabsan tallaabooyinkii uu Trump qaaday xilliggii rabshadaha hareereeyay Mareykanka 6-dii January , Mr Trump wuxuu bartiisa baraha bulshada ka bilaabay qoraallo uu meesha uga saarayo eedeymaha loo jeediyay. Wuxuu sheegay in wax badan uusan ka ogeyn gabadhan balse waxa uu ka maqlay ay tahay ‘qof niyad xun. Trump wuxu gabadha ku tilmaamay ‘beenaaley siraha dusisa’. Wuxuu intaa ku daray inay ka xanaaqday in uu shaqo siin waayay markii ay ka tegtay Aqalka Cad.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post