723 Views

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo furmi doono Sabtida

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo furmi doono Sabtida
____________________________________________________________________________

Jimco: August 20, 2021

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uu maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021 uu ka furmi doono Teendhada Afisyoone ee Muqdisho.

“Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa si rasmi ah uga furmaya Afisyoone maalinta Sabtida 21-ka Agoosto, 2021” ayaa lagu yiri qoraalka.

Shirka ayaa horey u muddeysnaa maanta oo Khamiis ahayd, lamana sheegin sababta uu dib ugu dhacay, inkastoo loo sababaynayo safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ugu maqnaa dibada.

Shirka Muqdisho ayaa arrimaha looga hadli doono waxaa ka mid ah diyaarinta habraacyada doorashada Golaha Shacabka iyo raadinta dhaqaalaha dhiman ee ku baxaya doorashooyinka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble oo safar dibada ah ugu maqnaa dalka Masar ayaa galabta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post