384 Views

Alshabaab oo Dagaal Culus ku qaaday Goobo oo ku Dhow Maxaas iyo Dagaalka oo Wabxo ku Fiday Xalay

Alshabaab oo Dagaal Culus ku qaaday Goobo oo ku Dhow Maxaas iyo Dagaalka oo Wabxo ku Fiday Xalay
____________________________________________________________________________

Talaado: 31 Jannaayo 2023

Goobo oo ah agaha Maxaas ayay Alshabaab soo weerareen xalay , waxaasa Cajiib ah in Ceelgorof loo daba maray.

Dagaal ayaa hadda xoogiisa waxa uu ka socdaa Wabxo darafkeeda xagan Ceelgorof soo jiro

Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamada degaanka ee loo yaqaano macawisley iyo Kooxda Al-shabaab.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka, waxaana degmada Maxaas laga maqlayaa rasaas iyo qaraxyo la isku adeegsanayo.

Dhinaca kale, ciidamada amniga magaalada Beledweyne ayaa caawa xabsiga dhigay odoyaal dhaqan oo la sheegay iney Al-shabaab la macaamileen, waxaana lagu wadaa in la horgeeyo cadaaladda, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo ku sugan magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post