921 Views

Duqa Muqdisho oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

Duqa Muqdisho oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid  Ugaas Xasan Ugaas Khaliif
____________________________________________________________________________

February 24, /2/ 2021

 Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Filish) ayaa tacsi u diray guud ahaan bulshada Hirshabeelle iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ku geeriyooday Muqdisho.

“Allaha u naxariistee Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo ku geeriyooday Muqdisho, waxuu ahaa hoggaamiye dhaqameed ruug cadaaya, door muuqdana ka soo qaatay nabadda iyo horumarka dadka Soomaaliyeed, waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa, qoyska, madaxda Dowlad gobolleedka Hirshabeelle iyo guud ahaan dhaqanka Soomaaliyeed oo uu marxuumku ka baxay.”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Filish ayaa Allah uga baryay marxuumka inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post