618 Views

Taliye Xijaar oo sheegay inay socdaan howlgallo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab

Taliye Xijaar oo sheegay inay socdaan howlgallo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Taliyaha Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo maanta ka qeyb galay Barnaamij ka baxayay Warbaahinta dowladda ayaa ka warbixiyay qodobo dhowr ah oo ay ku jireen xaaladda amni  ee dalka.

Taliyaha waxa uu sheegay in ay socdaan howlgallo joogto ah oo lagu sugayo amniga ,isla markaana ay horseed ka yihiin ciidamada boliiska , heyadaha amniga iyo degmooyinka gobolka banaadir.

Mudane Xijaar ayaa xaqiijiyay in lagu jiro xilligii soo kabashada,sidaa daraadeed,waxa uu ku baaqay in si wadajir ah looga hortago cid kasta oo isku dayda ay wiiqdo amniga dalka iyo horumarada kale ee jira.

Taliyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar,waxa uu xusay in siyaabaa looga bixi karo dhibaatooyinka bulshada ay tahay in la helo  wacyigalin  ku aadan ogaanshaha qaabka shaqo ee loo baahan yahay in ay dhexmarto ciidanka iyo bulshada.

Taliyuhu waxa uu ugu dambeyntii faray ciidanka Boliiska in shacabka ay kula dhaqmaan sida ugu haboon ee ay ku jirto danta ,sharafta iyo karamada bulshada,wuxuuna dhanka kale u mahadceliyay  ciidamada shisheeye ee ka qeybqaata sugidda amniga gudaha dalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post