870 Views

Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay xilka qaadista Kheyre.

Madaxweyne Farmaajo oo aqbalay xilka qaadista Kheyre.
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 25-2020–Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo ayaa aqbalay go’aanka ay Xildhibaannada Golaha Shacabka codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumadda Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Madaxweynaha ayaa sheegay in midnimada hay’addaha Dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda dalku jiro, balse gudanaya waajibaadkiisa Dastuuriga ah, tixgelinayana awoodda Dastuuriga ah ee Golaha Shacabka, wuxuu aqbalay go’aanka Golaha Shacabka.

“Kala fogaanshaha Xukuumadda iyo hay’adda sharci dejinta waa mid wiiqeysa horumarkii la sameeyay, si taas loo daba qabtana waxaan go’aansaday inaan tixgeliyo codka Golaha Shacabka oo ah hay’adda aasaaska u ah qarannimadeenna.”

Madaxweyne Farmaajo wuxuu si degdeg ah usoo magacaabayaa Ra’iisul Wasaare soo dhisa xukuumad dalkan ka saarta marxaladdan kala guurka ah, siina xoojisa adeegyada bulsho ee dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda wuxuu uga mahadcelinayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre hawlkarnimadii uu muujiyay muddadii uu xilkan hayay iyo wadashaqeyntii wanaagsanayd ee uu la lahaa hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo u rajeeynaya horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

Talaabada ay qaadeen golaha shacabka uuna aqbalay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa calwinaysa heshiis ay dhawaan gaareen Madaxda Dowladda Faderaalka Soomaaliya iyo Goboleedyada dalka.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post