957 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo soo gaartay Magaalada Muqdisho

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya oo soo gaartay Magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 08, 2021 —Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaartay wafdi ay hoggamineyso Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo, iyada oo siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Maxamed Cabdirisaaq & Xubno kale oo ka tirsan Wasaaradda.

Ujeedka Safarka Wasiirka Arrimaha dibadda kenya ay ku imid Muqdisho ayaa waxaa lagu sheegay in uu xiriiro dib-u-hagaajinta xiriirka diblumaasiyadeed iyo midka ganacsi ee ka dhaxeeya labadani dal oo muddo bilo ah uu khilaaf ba’an u dhaxeeyay.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo ay kulamo la yeelan doonto dhiggeeda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kadibna ay wadahadal la yeelan doonto Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

24-kii Saacadood ee la soo dhaafay ayaa waxaa aad loo hadal kaayay imaanshaha Magaalada Muiqdisho Wasiirka Arrimaha Dibadda dowladda Kenya Raychelle Omamo, iyada oo ujeedka rasmiga ilaa iyo hadda Xukuumadda Soomaaliya aysan fah faahin ka bixin.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post