1719 Views

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo galay maalinkii labaad

Shirka Golaha Amniga Qaranka oo galay maalinkii labaad
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 5, 2018 – Waxaa maalinkii labaad galay shirka Golaha amniga Qaranka oo uu shir guddoominayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ayna ka qeyb galayaan Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka Jira.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xalay kulamo gaar gaar ah waxa uu magaalada Baydhabo kula qaadanayay masuuliyiinta dowlad goboleedyada gaar ahaan madaxda maamulka Galmudug oo hada khilaaf uu ka dhexeeyo.

Kulan dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxa xukuumadda Galmudug Maxamed Shaakir ayaa wararka ku dhaw dhaw waxa ay sheegayaan in aad looga hadlay khilaafka u dhaxeeya hoggaanka Galmudug, oo hada kala jooga Cadaado iyo Dhuusa-mareeb

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakiri Cali Xasan ayaa waxaa la sheegay in ay si aad uga wada hadleen sida ugu macquulsan ee xal loogu gaari karo khilaafka hareeyay Madaxda Galmudug iyo doorka dowladda dhexe.

Shirkan ayaa waxaa lagu adaa gelinka dambe ee maanta in lagusoo gaba gabeeyo magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed, waxaana laga soo saari doonaa war-murtiyeed ay isku raacsan yihiin madaxda ka qeyb gashay.

Heshiiska maanta lagu wado inuu ka soo baxo war-murtiyeedka shirka magaalada Baydhabo ayaa waxaa la sheegayaa in ay aad u taaban doonaan siyaasadda kheyraad wadaagga, arrimaha ammaanka iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment