1104 Views

In ka badan 4,400 oo duulimaadyo oo la hakiyay guud ahaan adduunka oo dhan, sababo la xiriira isbadelka Cimlada iyo cudurka safmarka ah ee COVID-19

In ka badan 4,400 oo duulimaadyo oo  la hakiyay guud ahaan adduunka oo dhan, sababo la xiriira isbadelka Cimlada iyo cudurka safmarka ah ee COVID-19
____________________________________________________________________________


Isniin: January 3, 2022

In ka badan 4,400 oo duulimaadyo ayaa la hakiyay guud ahaan adduunka oo dhan, sababo la xiriira isbadelka Cimlada iyo cudurka safmarka ah ee COVID-19 oo sii kordhaya gaar ahaan noociisa cusub ee Omikroon.

Duufaanta Jiilaal ayaa Sabtidii ku dhufatay magaalada Chicago ee dalka Maraykanka, waxaa ay geesatay khasaaro lixaad leh, sida saxaafadda gudaha laga soo xigtay.

Dad badan ayaa ku go’doonsanaa garoomada diyaaradaha Maraykanka tan iyo habeenimadii Sabtidii gaar ahaan magaalooyinka Washington iyo San Francisco.

In ka badan 2,600 oo duullimaad ayaa Maraykanka kaliya la hakiyay sababo la xira qabow iyo baraf dartiis, sidoo kale in ka badan 4,400 oo duulimaad ayaa la hakiyay adduunka oo dhan ah sida laga soo xigtay barta shirkadda FlightAware.

Si kastaba, dad badan ayaa dib uga dhacay in ay diyaarado helaan ama ay gaaraan qoysaskooda intii lagu gudajiray safarkoodii.

Garoomada diyaaradaha ayaa lagu arkayay Carruur badan oo daalan iyo qoysaska qaar oo ka walwasan dib u dhaca ku yimid safaradooda duulimaadyada.

Xanuunka COVID-19 noociisa cusub ee Omikroon ayaa cabsi ku abuuray dad badan oo ku nool dunidda, waxaana dowladaha hormaray ay billaabeen in ay dadka waayeelka ah ay siiyaan tallaalka lagula dagaallamayo xanuunka aafada ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post