309 Views

Ciyaar yahankii ku guuleystay Ballon D’or Karim Benzema oo aan ka qeyb galeynin ciyaaraha koobka adduunka

Ciyaar yahankii ku guuleystay Ballon D’or Karim Benzema oo aan ka qeyb galeynin ciyaaraha koobka adduunka
____________________________________________________________________________

Axad:NOVEMBER 20, 2022

Weerar yahanka reer France ee, Karim Benzema, ayaa ka maqnaan doona ciyaaraha kubadda cagta ee koobka aduunka ee sanadkan 2022-ka, ee ka dhacaya dalka Qatar, kadib markii uu dhaawac bowdada ah kasoo gaaray tababar uu sameynayey.

Benzema ayaa ku guuleystay abaal marinta Ballon d’Or ee sanadkan 2022-ka, oo la siiyo ciyaaryahanka sanadka ee kubadda cagta adduunka ugu wanaagsan, kadib markii uu ka caawiyay kooxda Real Madrid inay ku guuleysato horyaallada Champions League-ga iyo La Liga.

Xulka qaranka France, ayaa sheegay inuu dhaawac dhanka bowdada ah kasoo gaaray ciyaaryahanku, isla markaana aanu awoodin inuu ka qayb galo tartanka.

“Kooxda oo dhan waxay la wadaagaysaa murugada Karim, waxayna u rajeynayaan soo kabasho degdeg ah,” ayaa la raaciyey hadal lasoo saarey.

Xiriirka Kubadda Cagta Faransiiska ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyey ay xaqiiqo noqotay dhaawac muruqa bowdada ah “kaas oo u baahan doona muddo saddex toddobaad ah oo soo kabasho ah”.

France ayaa ku jirta Group D, waxayna la ciyaari doonaan xulka qaranka Australia 22-ka bishan November, Denmark 26-ka November, halka Tunisia ay la ciyaari doonaan 30-ka November.

Tababare Didier Deschamps, ayaa heysta ilaa Isniinta inuu magacaabo bedelka iyo dhaawaca 34-jirka Benzema, kaasoo 37 gool u dhaliyay 97 kulan oo uu u saftay xulka qaranka France, tani, ayaa noqonaysa dharbaaxo kale oo soo gaartay xulka heysta Koobka Adduunka.

Waxaa durba dhaawac kaga maqan ciyaar yahanada Paul Pogba iyo N’Golo Kante oo khadka dhexe ah, halka daafaca Manchester United, Raphael Varane, uu isku dayayo inuu taam u noqdo kulanka, isagoo seegay shantii kulan ee ugu danbeysay.

Office Nairoibi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post