309 Views

Qaraxyo waawayn oo dhimasho iyo dhaawacba geystay oo ka dhacay degmada Jalalaqsi

Qaraxyo waawayn oo dhimasho iyo dhaawacba geystay oo ka dhacay degmada Jalalaqsi
____________________________________________________________________________

Sabti: January 14 2023

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in labo qarax oo waaweyn laga maqlay magaalada Jalalaqsi, waxana la soo weriyay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo gaaray dadka rayidka ah iyo ciidamada dawladda.

Qaraxaas ayaa la soo sheegayaa in siddeed qof ay ku dhinteen halka ku dhawaad toban kalena ku dhaawacmeen.

Sida oo kale magaalada Buula-berde waxaa ka dhacay iyana qarax loo adeegsaday baabuur lagusoo rakibay walxaha qarxa, illaa hadda wax faahfaahin kama ay soo bixin qaraxan.

Dhanka gobolka Mudug-na ciidamada Soomaaliya ay saaka galay tuulada Ceel Huur oo qiyaastii 50 km u jirta degmada Xarardheere.

Ciidanka qabsaday Ceel Huur ayaa ku yimid wadada xeebta ee ka timaada degmada Hobyo tagtana degmada Xarardheere.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post