846 Views

Ciidamada Ammaanka Beledweyne oo Xabsiga dhigay Saddex ruux

Ciidamada Ammaanka  Beledweyne  oo   Xabsiga dhigay Saddex ruux
____________________________________________________________________________

May 23 2021


Wararka ka  imaanaya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka Magaalada Beledweyn ay  Maanta  Xabsiga dhigeen Saddex ruux oo mid ka mid ah yahay Wariye ka howlgalla Radio Hiraanweyn.

Saddexda Ruux ee la xiray ayaa waxaa ay kala yihiin, Wariye Xasan Maxamed Goosaar oo ka mid ah howlwadeenadda Radio Hiiraanweyn, halka labada kalana ay yihiin dhalinyaro maalmihi u dambeyay wadday Shirar looga soo horjeeday Maamulka Hir-Shabeelle, kuwaas oo lagu kala Magacaabo Dr Guure Cabdi & Cabdiraxmaan dhegaweyne.

Sidoo kale Warraka  ayaa sheegaya in sababaha dhalinyaradaan loo xiray ay tahay kadib markii laamaha Amniga ay ka warheleen inay wadeen abaabul ku aadan banaanbax looga soo horjeedo Maamulka Hir-Shabeelle, waxana lagu xiray Saldhiga Booliska Beledweyne.

 

 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post