432 Views

Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku imaanaya Soomaaliya

Golaha Ammaanka Midowga Africa Oo Hawlgal Shaqo ku imaanaya  Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 6, 2022

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si dhow ula socota heshiisyadii iyo qararadii laga gaaray arrimaha ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya, waxayna safaaraddu mar kasta daba gal ku samaysaa fulinta iyo socodsiinta heshiisyadaas, iyadoo usoo jeedisay Midowga Africa in hawgal shaqo oo qorshaysan laga fuliyo Soomaaliya si loo qiimeeyo waxyaalaha ka qabsoomay heshiisyadii iyo qaraaradii la xiriiray arrimaha ciidamada Midowga Africa eek u sugan Soomaaliya.

Ku Simaha safiirka Safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia ahna uqaybsanaha Soomaaliya ee Midowga Africa iyo UNECA Mudane Shaafici Nuur Calas Faarax ayaa xarunta safaaradda Djibouti ee Addis Ababa ku la kulmay Guddoomiyaha Golaha Nabadda iyo Ammaanka Miowga Africa ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Midowga Afrika Mudane. Danjire Abdi Mohamoud, isagoo kala hadlay una sheegay in Soomaaliya ay si dhow ula socoto qaraaradii laga gaaray arrimaha ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya, ayna doonayso in si dhab ah loo fuliyo qaraaradii iyo heshiisyadii hore loo gaaray. Labada masuul waxay sidoo kale isla falanqeeyeen qaraaradii u danbeeyey ee kasoo baxay Midowga Africa kuwaas oo Safaaradda lagu bogaadiyay dedaalkeeda iyo daba galka ay Safaaradda JFS ee Addis Ababa ku hayso qaraaradii la wada gaaray, daba galka safaaradda ayaa salka ku haya sidii loo fulin lahaa loogana dhabayn lahaa heshiisyadii iyo qaraaradii soo baxay bilowgii sanadkan 2022, kuwaas ku salaysnaa arrimaha ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post