615 Views

Magacyada siyaasiyiinta caanka ah ee ku fadhiya 13-ka kursi ee doorashadooda la shaaciyey ee Beledweyne

Magacyada siyaasiyiinta caanka ah ee ku fadhiya 13-ka kursi ee doorashadooda la shaaciyey ee Beledweyne
____________________________________________________________________________

 Guddiga Doorasada HirShabelle ayaa soo saray liiska kuraasta 13 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka, kuwaas oo lagu dooranayo magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Kuraasta 13-ka kursi ah ee la shaaciyay qaarkood waxaa ku jira kuwo ay ku fadhiyaan siyaasiyiin miisaan culus ku dhex leh siyaasayada Soomaaliya, waxaana jira welwel badan oo ay qabaan Musharaxiinta qaar oo ku aadan in loo boobo kuraasta shaqsiyaad gaar ah oo la wato.

Kuraastan waxaa hore ugu fadhiyey xubno ka mida Golaha wasirada xukuumadda xil-garsiinta, iyo wasiiro hore, waxaana xiiso leh inuu ku jiro kursiga isha lagu wada hayo ee uu doonayo inuu soo qaato Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo uu hadda ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Sheekh Cabduqaadir.

Xildhibaannada ku fadhiye kuraasta la shaaciyey in doorashadooda ka dhaceyso Beledweyne ayaa la filayaa inaysan intooda badan soo laaban, waxayna kala yihiin:

https://e83938221ce78b554df49d3641f0b0f2.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html HOP#003: Waxa ku fadhiyey Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh Beenebeene.
HOP#006: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Maxamed Cabdullaahi Axmed
HOP#008: Waxaa xilligan ku fadhiyey Dr Xuseen Cabdi Cilmi
HOP#015: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Xiis Xasan Aadan
HOP#022: Waxaa ku fadhiyey Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo)
HOP#031: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Yuusuf Xuseen Axmed
HOP#032: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Khaliif Cabdi Cumar
HOP#068: waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad Faadumo Faarax Ibraahim
HOP#074: waxaa ku fadhiyey 10-aad Cabdullaahi Colaad Rooble
HOP#086: Waxaa ku fadhiyey Faarax Sheekh Cabduqaadir
HOP#109: waxaa ku fadhiyey Baarlamaanka 10-aad Cabdifitaax Qaasim Maxamuud
HOP#252: Waxaa hadda ku fadhiya Cabdicasiis Saalax Carmaan
HOP#274: waxaa ku fadhiyey Baarlamaankii 10-aad Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux.

Maamulka HirShabeelle ayaa noqonaya maamulkii labaad ee shaaciya doorashada kuraasta taala deegaan doorashada labaad ee doorashooyinka Golaha Shacabka, waxaana maamulkii ugu horeeyay noqday Koonfur Galbeed oo Baraawe ku qabatay doorashada13 kursi, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la qabto doorashada 13-ka kursi ay shaaciyeen guddiga doorashada HirShabelle.

By Asad Cabdullahi Mataan

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post