2823 Views

Maxaa u sabab ah sara u kaca ku yimaado qiimaha la kala siisto hubka fudud.?

Maxaa u sabab ah sara u kaca ku yimaado qiimaha la kala siisto hubka fudud.?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 10 December [Qaranimo Online] Wararka ka imaanaya suuqyada lagu kala iibsado hubka noocyadiisa kala duwan ee Magaalada Muqdisho, waxay  sheegayaan in sara-u-kac ballaaran uu ku yimid qiimaha la kala siisto hubka fudud, iyada oo la leeyahay qiima kororkan waxaa u sabab ah cabsi laga qabo iska horimaadyo dhexmara xooggaga taageersan musharixiinta & kuwa dowladda Soomaaliya.

Hubka qiimihiisu sara-u-kaca ku yimid waxaa ka mid ah qoryaha fudub sida qoriga BKM [daba-jeex] oo suuqyada lagu kala siisanayo lacag ka badan 12,000$ oo dollar, halka qoriga AK 47 uu noqday 1,400$.

Hubka ugu badan ayaa la soo sheegayaa in ay iibsanayaan, ganacsato & siyaasiyiin mucaarad u badan, halka sidoo kale ay jiraan dad shicib ah oo cabsi ka qaba xaalada ammaankooda oo is hubeynaya.

Waxaa kale oo lagu soo waramayaa in hubka culus ee lagu rakibo baabuurta tiknikada loo yaqaan in suuqyada gabaabsi uu sii noqonayo.

Inkastoo dareenka shacabku u badan yahay in laga gudbay xilligii colaada, aadna ka dareemeyso goobaha bulshada ku kulmaan in bulshadu aysan raali ka ahayn in qalqal la geliyo nabadda & soo kabashada dalku u jiheystay, haddana dhinaca kale waxaad dareemeysaa in ay jiraan qaybo fara badan oo bulshada ka mid ah, kuwaas oo diidan habka dowladdu u maarayneyso qorshaha doorashada, iyaga oo u arka in madaxda dowladdu ay wax walba u sameynayaan si iyaga dib loogu doorto, taas oo haddii ay dhacdo sababi karta qalalaase hor leh.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post