993 Views

Hoggaamiyaha Ahlusunna oo ku dhawaaqay Go’aamo ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya

Hoggaamiyaha Ahlusunna oo ku dhawaaqay Go’aamo ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 24, 2019 —Shir maalmihii ugu dambeeyay ka socday Magaalada Dhuusamareeb oo ay lahaayeen Culimo u diinka Ahlusunna ee degaanada maamulka Galmudug ayaa laga soo saaray digniin ka dhan ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

Shirkaan waxa Shir gudoominaayay Hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, waxaana looga soo horjeestay sida ay wax ku waddaan Guddiga dib u heshiisiinta maamulka Galmudug.

 

Warqad kasoo baxday Macalin Maxamuud ayaa lagu sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay guud ahaan ka baxday heshiisyaddii ay la gaartay maamulka Ahlusunna, islamarkaana beesha Caalamka ay ugu baaqayaan in arintaasi wax laga qabto.

 

Ahlusunna ayaa sheegtay in sidoo kale aysan ogolaan doonin in Ciidamo ka socda AMISOM laga geeyo Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ay xustay in ay qaadi doonto tilaabo ka dhan ah arintaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment