1011 Views

Taangiga Turkiga oo Burburinaya Dimuqaraaddiyadda Soomaaliya!

Taangiga Turkiga oo Burburinaya Dimuqaraaddiyadda Soomaaliya!
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 25 2021–
Labaatameeye qof ayaa ku dhimatay kuna dhaawacantay dagaal ay ciidamo daacad u ah madaxweynaha xilkiisu dhamaaday ku qaadeen Hotel-ka Maaidda ee magaalada Muqdisho oo ay degganaayeen labadii madaxweyne ee xilka uga horreeyay madaxweyne Farmaajo.

Mustaqbal Media ayaa ogaatay in Siddeed Askeri oo kudhimatay dagaalka ay  6 kamid ah ahaayeen ciidanka gaarka ah ee Gorgor oo Turkigu tababaray, qalabeeyey, hubeeyey islamarkaana gacantana ku heyso, Dhanka kale ciidanka gaarka ah ee Haramcad ayaa qeyb weyn ka ahaa cabburinta mudaharaadkii Jimcaha iyaga oo rasaas huwiyay mudahaaraadayaal ay hor kacayeen masuuliyiin uu kamid ahaa ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Dhacdooyinkaan is xigxigay oo dhammaan ka dhan ahaa siyaasiyiin &Musharixiin  si Nabad ah u dhigayey Bannaanbax kadhan ah dowladda ayaa wax weyn ka bedalay aragtida shacabka Muqdisho iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay ka heysteen dowladda Turkiga oo saameyn weyn ku lahayd siyaasadda Soomaaliya Tobankii sano ee ugu dambeysay.

Hubeynta Ciidan Daacad u ah madaxweynaha xilkiisu dhammaaday!

Dowladda Turkiga ayaa xukuumadda Soomaaliya ku wareejisay 12 gaari oo ah nuuca gaashaaman August 2020, Gaadiidkan oo ah nuuca KIRPI ayaa si gaar ah waxa loogu farsameeyay in looga hor tago “Jidgooyooyinka” waana nuuca aanay Miino karin, waxaa adeegsada ciidanka Gorgor, iyada oo isla August-2020  laga soo dejiyay dekadda Muqdisho 12 gaari oo kale oo ah nuuca ciidanku adeegado ee loo yaqaan  “Off-road”, gaadiidkaas waxa la siiyey dufacadda saddexaad ee Gorgor.

Sida ay wakaalada wararka Anadol baahisay, dowladd Turkiga ayaa Soomaaliya ugu deeqday November 2017, 450 Qori oo nuuca MPT-76 oo Turkiga lagu farsameeyay, balse goor dambe oo 2019 ayaa qoryahaan lagu wareejiyay ciidnka Gorgor.

December 2020 iyada oo ay taagan tahay xiisadda doorashada ayuu Turkigu Soomaaliya ka soo dejiyay 1000 qori oo nuuca MPT-76 iyo 150,000 oo rasaas ah oo si gaar ah loogu qalabeeyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Booliska ah ee Haramcad. Waxaa lagu eedeeyaa in ay daacad u yihiin madaxweynaha xilligiisu dhammaaday, gabood faallana ay ka geysteen sida Dhuusamareeb & Muqdisho, Midowga musharrixiinta oo walwal ka muujiyay arrintaan ayaa qoraal ay uu u diray safaaradda Turkiga ku sheegay in tallaabada Turkigu ay halis ku tahay ammaanka dalka.

Janaury 2019, dowladda yar ee Qatar ayaa kasoo dejisay dekedda Muqdisho  68 Gaari  oo ah nuuca Qafilan ee ciidamada , inta badan gawaaridaan waxaa lagu wareejiyay ciidamada Turkigu tababaro  ee Gorgor iyo kuwa gaarka ee madaxtooyada ilaaliya, taasina waxa ay muujisay wada shaqeyn saddex geesood ah oo ay Turkida iyo Qatar ku dhisayaan ciidan si toos ah uga amar qaata MW Farmaajo oo kaddib muddo 4 sano ah oo uu hayey xilka madaxweynaha ku guuldareystay in ay dalka ka dhacdo doorashada Baaralamanaka iyo Madaxtooyada.

Gorgor:

Waa ciidan kamid ah xoogga dalka, Turkiga ayaa u tababaray Dowladda Soomaaliya,  tiradiisu waxa ay u dhaxeysaa 5kun ilaa 6kun, waxaana xarun u ah xerada Turksom oo ah saldhigga ee ciidan ee Turkigu ku leeyihiin meel ka baxsan dalkooda.

Tabarayaasha Turkiga ah ee ku sugan Muqdisho waxa ay kaalin ku leeyihiin howlgallada ay ciidamadani ka fuliyeen Waddanka iyaga oo mararka qaar taga goobaha howsha ka socoto.

Gorgor ciidan ahaan waxa uu hoos tagaa taliyaha ciidanka lugta Gen. Maxamed Tahliil Biixi oo si toos ah amarrada uga qaata Madaxweyne Farmaajo, inta la xasuusto waxa ay fuliyey saddex howlgal oo ka dhacay gobolka Gedo, Dhuusamreeb iyo weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore 19kii Febraayo 2021 oo kadhacay Muqdisho.

Haramcad:

Waa unug ka tirasan ciidanka Booliska  oo u howlgala sida Milateriga (Paramilitary Forces)  u tababaran  una qalabeysan si gaar, tiro ahaan waa 1000 ilaa 900 oo askari, tababarkooda waxa ay ku qaateen xerada Turksom ee Muqdisho iyo dalka Turkiga. Waxa ay si gaar ah u hoos tagaan madaxweyne Farmaajo, waxa ay fuliyeen tobannaan howlagal oo ka dhan ah siyaasiyiin iyo dad shacab ah oo ay tii ugu dambeysay ahayd cabburinta bannaanbaxii Muqdisho.

Danaha Turkiga Ee Soomaaliya:

Dhaqaalaha 

Iyada oo dowladda Soomaaliya la tacaaleyso sidii magaalda Muqdisho ay uga saari lahayd kooxda Al-shabaab oo halis ku ahayd jiritaanka dowladdii KMG ahayd xilligaas, ayaa waxaa Soomaaliya ku dhuftay abaatii ugu weyneyd oo muddo qarni ka abdan ku dhifato geeska afrika oo galaafatay dad ka badan Rubuc milyan qof oo beeraleey iyo xoolaleey isugu jiray, xilligaas Soomaaliya waxaa u soo gurmaday dunida oo idil, balse Turkiga oo aad u xoogganaa waxaa yimid ra’iisulwasarihii xiligaas ahana madaxweynaha hadda ee Turkiga Rajab Dayib Ordgan.

Gargaarkii Turkiga kuma ekaan muddadii abaarta oo kaliya ee waxa ay u bedeleen mashaariic horumarineed oo caafimaad iyo waxbarasho leh, muddo yar kadibna waxa ay billaabeen in ay dowladda kala shaqeeyaan mashaariic waaweyn heshiisyo muddo dheerna la galaan.

Dekadda Muqdisho:

Septemper 2014 ayey dowladda Soomaaliya la gashay shirkadda Al Bayrak ee dalka Turkiga laga leeyahay, heshiis muddo dheer soconaya oo ay kula wareegeyso maamulka dekadda Muqdisho, heshiiska waxa uu dhigayaa in dhaqaalaha dekkadda ka soo xerooda 55% ay dowladda Soomaaliya yeelaneyso, halka 45% ay shirkaddu yeelaneyso. Dhanka shirkadda Albayrak waxaa laga doonayaa in 80 Milyan oo Doollar ay ku bixiso dayactirka iyo ballaarinta dekkadda.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde:

Septemper 2013 ayaa dowladda Soomaaliya heshiis kulagashadda Favori ee laga leeyahay dalka Turkiga maamulka GAroonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Heshiiska lala galay labadan shirkadood ayaa ka dhigan in Dowladda Soomaaliya ay labada il-dhaqaale ee ugu muhiimsan ay ku wareejisay shirkado Turki ah, marka dhanka dowladda Soomaaliya laga fiiriyo waxa ay ka heleysay casriyeyn lagu sameeyo ilaha dhaqaalaha dalka, kordhinta dakhliga iyo hagaajinta maamulkooda, balse dowladda Turkiga waxa ay ka dhigan tahay sahminta gobol cusub oo ay isku ballaariso, albaabna u noqda ganacsiga Turkiga ee Bariga iyo Geeska Afrika.

Waddooyinka Muqdisho-Afgooye iyo Muqdisho-Jowhar:

Mashruucii ugu weynaa ee waddo lagu dhisayo burburkii kadib ayey dowladda Soomaaliya oo taageero ka heleysa Qatar go’aansatay in lagu dhiso waddooyinka Muqdisho ku xira Afgooye.

Mashruuca oo ay Qatar maalgelineyso oo aan la shaacin miisaaniyadda ku baxeysa ayaa waxaa la siiyay shirkad Turki ah oo la yiraahdo EN-EZ Construction Company, taas oo ka dhigan in ay tTurkidu ka faa’idayaan malaayiin doollar mashaariicda Soomaaliya laga fulanayo.

Suuqa Muqdisho: Shirkadda diyaaradaha Turkish Airlines oo duulimaad joogta ah Muqdisho ku timaada, iyo khadka tooska ah ee dhowaan ay billaabeen maraakiib Soomaali ah waxa uu suuratageliyay isku xir ganacsi oo xoog ku koraya oo ay Turkigu uu yahay dhanka ka faa’ideysanay.

Marka la eego sanadkii 2018 oo kaliya Soomaaliya iyo Turkiga waxaa dhexmaray ganacsi lagu qiimeeyay 200 Milayn oo Doollar, dhanka Soomaaliya waxay ka faa’idday 20 Milyan oo kaliya halka Turkigu uu ka faa’iday $180 Milyan, Waa kor u kac aad u xooggan marka la eego sanadihii 2000- 2010 oo uusan ka badneyn wax is-dhaafsiga ganacsiga celcelis ahaan $2Milyan oo Doollar oo kaliya.

Istraatiiji:

Maalgelinta, awoodda ciidan iyo dhaqdhaqaaqa dublamaasiyadeed ee Turkigu waxa uu ku kooban yahay wax ka yar kala bar dhulka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhulka ay ku xooggan yihiin dhaqdhqaaqa Alshabaab; Galmudug, Hirdhabeelle, Benaadir iyo Koofur Galbeed, sababo la xiriira in Maamullada Somaliland, Puntland iyo Jubaland ay xiriir toos ah la leeyihiin Imaaraadka iyo Sucuudiga.

Ka taqallusitaanka madaxdii maamullada Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle muddada uu xilka hayo Farmaajo waxaa loo arkaa qorshe ballaaran oo ay Turkidu maalgelisay kana shaqeysan, si loo abuuro isbahesi kale oo Farmaajo ka taageera doorashada.

Qorshahaan ayaa la fuliyay iyada oo laga fogeeyay indhaha Soomaalida iyo caalamka, balse dhacdooyinkii u dambeeyay iyo ka qeybgalka ciidamada ay tababareen weeraradii madaxweynayaashii hore iyo cabburinta mudaharaadyadii 19kii Febraayo, iyo kaalinta Turkida dagaalkii Gedo waxa ay bannaanka u soo saartay in Turkigu go’aan ku gaaray taageerada Farmaajo.

Hannaanka Ciidanka Uu Mareykanka Taageero:

Ciidamada ugu tababarka iyo diyaarsanaanta  fiican Soomaaliya waa ciidanka ay dowladda Mareykanka tababartay isla markaasna qalabeysay, sida: Danab oo ciidanka xoogga ka tirsan, Gaashaan oo ah ciidan gaar ah oo hoos taga NISA balse uu MAreykanku dowladda Soomaaliya heshiis kula galay in aysn qeyb ka noqon karin wax xuquuql-insaanka ka hor imaanaya, iyo Waran oo howshooda ugu weyn ay tahay ilaalinta xarumaha hay’adda NISA leedahay.

Ciidamadaan waxaa mushaarkooda bixiya walina si aan toos ahayn gacanta ugu haya qalabeynta iyo howlgalladooda, waxa ay leeyihii aragti iyo hadaf qoran oo la isla ogyahay oo ah wiiqidda Alshabaab, sidaas darteed ayey dowladda Soomaaliya uga wareegatay adeegsigooda.

Xaaladda Soomaaliya, Turkigu Maku Qasban Yahay Qatar?

Siyaasiyiin hore oo cabasho ugu tagay safiirka Turkiga ee Muqdisho aye Muqstaqbal Media ka soo xigatay in go’aanka dowladda Turkigu yahay in ay taageerto dib-u-doorshada Madaxweyne Farmaajo, arrinkaas oo halis gelinaya maalgashiga xooggan ee Turkigu uu Soomaaliya gelinayay 10kii sano ee ugu dambeysay, iyada oo ay sii xoogeysaneyso xaqiiqda ah in uusan mar kale madaxweynenimo ku guuleysan karin madaxweynaha iminka talada haya.

Go’aanka Turkiga kaliya ma saameyn doono siyaasiyiinta, balse waxa uu saameyn xooggan ku yeelanyaa taageerada ay beelaha Muqdisho ka heysteen muddadii 10kii sano ahayd.

Oggolaanshaha Turkiga ee ah beegsida madaxweynayaal iyo ra’iisul wasaare hore oo ka soo jeeda Muqdisho, lagana yaabo in ay ku guuleystaan xilka madaxweynaha, waxaa loo fasirtay qar iska tuurnimo ay dowladda Turkigu go’aansatay iyada oo ku raalli gelineysa Qatar oo xulufo ahayeen muddooyinkii ugu dambeeyay.

Turkiga oo loo yaqaannay saaxiibka shacabka ayaa labadii doorasho ee dhacday 2012 & 2016 waxa uu qaatay kaalin dhexdhexaad ah, taas oo u suurtagelisay in dowladihii xilka u kala dambeeyay ay si isku mid ah ula dhaqmaan, taasina waxa ay u sahashay in Mashaariicda Turkiga ee Soomaaliya ay u socdaan si xasiloon., Haddaba haddii Turkigu kulugyeesho Qalalaasaha siyaasadeed ee kadhashay dib u dhaca doorashooyinka Soomaaliya sidee u saameyn doontaa joogitaankiisa Dalka?


xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post