1089 Views

Wasaaradda Waxbarshada oo diyaarineysa Manhajka dugsiyada sare

Wasaaradda Waxbarshada oo diyaarineysa Manhajka dugsiyada sare
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 15 , 2019 | QOL |   –Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in dhawaan ay bilaabi doonto diyaarinta Manhajka dugsiyada sare ee dalka, si looga gudbo Manaahijta kala duwan ee ay qaataan ardayda dhigata dugsiyada sare.

 

Agaasimaha Xafiiska Manaahijta iyo fayo dhowrka Wasaaradda Waxbarashada, mudane, Maxamed Xasan Mukhtaar oo wareysi siiyay Radio Muqdisho ayaa sheegay in ay Wasaaradu soo dhameysay wajiyada 1-aad iyo 2-aad ee Manhajka waxbarashada dalka oo kala ah dugsiga hoose iyo midka dhexe,isagooo tilmamay in dhawaan la bilaabi doono Manhajka dugsiga sare oo ku qoran Af-Soomaali.

 

 

 

Dowladda Soomaaliya ayaa hore usoo saartay Manhajka dugsiga hoose,iyadoo shalayne uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu daah furay Manhajka waxbarashada dugsiga dhexe.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment