945 Views

Shir laga yeeshay Amniga Magaalada Garoowe

Shir laga yeeshay Amniga Magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland waxaa Maanta oo khamiis ah ka qabsoomay Shirka saraakiisha saldhigyada iyo kartaroolada, kaas oo loiga hadlay ka hortegida falalka ay geystaan Al-Shabaab.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal G/sare Xussen Cali Maxamuud oo shir gudoomiyay shirka ayaa warbixino ka dhagaystay taliyeyaasha saldhigyada iyo kantaroolada Magaalada Garoowe.

Shirka ayaa lagu lafa guray howl galadii ciidamadu sameeheen todobaadkii la soo dhaafay iyo waxyaabihii ay kusoo qabteen.

Taliyaha qaybta booliska gobolka G/sare Xussen Cali ayaa saraakiisha kula dardarmay ka hortaga falalka Amni darro oo ay geystaan Al-Shabaab iyo mandooriyaha isaga oo xusay in xuraansi badan looga bahan yahay saraakiishu inay sameeyaan.

Magaalada Garoowe ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha ay ka socoto doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana maalmihii la soo dhaafay aad loo adkeeyay Amniga Magaalada.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post