825 Views

Golaha Ammaanka oo ka shiraya khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka oo ka shiraya khilaafka madaxda dowladda Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Jimco: September 17, 2021

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka shiraya khilaafka awoodeed ee u dhexeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, kaas oo ka dhashay kiiska Ikraan Tahliil oo ka tirsaneyd hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsuggida Soomaaliya ee NISA.

Shirkan oo ah mid ay albaabadu u xiranyihiin ayaa waxaa xubnaha Golaha Ammaanku warbixinta xaaladda loolanka siyaaseed ee madaxda dowladda ka dhageysan doonaan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan sida uu xaqiijiyay afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Sida ay ku soo warrameyso wariyaha VOA-da ee Qaramada Midoobay Margatet Besheer, afhayeenka ayaa sheegay in James Swan uu ku boogaadiyay madaxweynaha Koofur-Galbeed Cabdicaziiz Laftagaren dadaalka isaga iyo madaxda kale ee mamul goboleedyadu ay ugu jiraan xallinta khilaafka u dhexeeya madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iusl Wasaare Rooble.

“Wadahadal niyadsami ah wuxuu ahmiyadda ugu horreysay siinayaa baahida dhammaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan in Soomaaliya loo oggolaado inay ku sii socoto wadada xassilloonida iyo dib-u habeynta” ayuu yiri afhayeenka Qaramada Midoobay Stephane Dujarric.

Waxaa la filayaa in Golaha Ammaanku uu soo saaro war-murtiyeed marka la soo gabagabeeyo shirkan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa todobaadkan si gooni-gooni ah ula kulmay ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Amina J Maxamed oo booqasho rasmi ay ku soo gaartay magaalada Muqdisho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post