1518 Views

Madaxweynaha Afghanistan oo Taalibaan ugu baaqay wadaxaajood

Madaxweynaha Afghanistan oo Taalibaan ugu baaqay wadaxaajood
____________________________________________________________________________

Sabti: July 10- 2021

 

Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa ururka Taalibaan ugu baaqay in dib loo billaabo wadaxaajoodki siyaasadeed oo looga tashanayo mustaqbalka Afghanistaan.

Ghani oo ka hadlayey munaasabad xarigga looga jarayey garoon diyaaradeed oo laga dhisay gobolka Khost wuxuu sheegay xukumadiisu iney nabadgalyo dooneyso.

Mar sii horreysayna Urrurka Taalibaan wuxuu sheegay iney dagaallamayaasha ururka ay xalay qabsadeen laba degmo oo ka tirsan gobolka Parwan, oo Kabul waqooyiga kaga beegan.

Ururka Taalibaan ayaa cadaadis xooggan ku hayey deegaannada ay gacanta ku hayaan ciidamada xukumadda Kaabul.

Booliskana waxay sheegeen qarax ka dhacay mehered gaar loo leeyahay iney laba qof ku dhinteen. Warbaahinta maxalligana waxay sheegeen dagaal ka dhacay waqooyiga gobolka Sar-e-pul iney ku dhinteen 11 ka mid dagaallamayaaha taalibaan halka 4 askari oo boolis ahna lagu dilay gobolka Koonfureed ee Helmand.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post