897 Views

Tirada Xildhibaanada qaadatay shahaadada musharaxnimo ee guddoonka Aqalka Sare oo la shaaciyay

Tirada Xildhibaanada qaadatay shahaadada musharaxnimo ee guddoonka Aqalka Sare oo la shaaciyay
____________________________________________________________________________


Arbaco April 20, 2022

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoonka Golaha Aqalka Sare Senator Aadan Cabdinaasir Maxamed
ayaa ka warbixiyay tirada musharixiinta isku diiwaangelisay u tartamida guddoonka golahaas.

Senator-ka ayaa sheegay in afar musharax oo ka tirsan aqalka sare ay isdiiwaangeliyeen kuwaas oo u taagan xilka Guddoonka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wuxu sheegay in kursiga Guddoomiyaha golaha aqalka sare uu isku soo sharxay hal musharax, halka Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad uu isna isku soo sharxay hal musharax, isagoo sheegay in ay diiwaangeliyeen labo musharax oo raba inay u tartamaan xilka Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Aqalka Sare.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Guddoonka Aqalka Sare ee BFS Senator Aadan Cabdinaasir ayaa sheegay in shaqada diiwaangelinta musharixiinta ay si wanaagsan u socoto, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in howlahaas shaqo ay sidaas ku sii socdaan.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in maanta iyo beri ay halkooda kasii wadayaan shaqada diiwaangelinta musharixiinta u taagan qabashada guddoonka golaha Aqalka Sare.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post