942 Views

Wasiir Cawad “Gobolka Shiinaha katirsan ee Taiwan waxa aan u sheegeynaa in uu faragelinta ka daayo Soomaaliya”

Wasiir Cawad “Gobolka Shiinaha katirsan ee Taiwan waxa aan u sheegeynaa in uu faragelinta ka daayo Soomaaliya”
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL | August-19-2020
–Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS Danjire Axmed Ciise Cawad oo la hadlay Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da waxa uu eedeyn kala dul dhacay Taiwan oo Xafiis Diplumaasi ka furatay Magaalada Hargeysa.

Cawad ayaa u digay Taiwan, isaga oo sheegay in ay ka gudbiyeen dacwad ka dhan ah oo ay u direen Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha oo ay katirsan tahay, balse ay aaminsan yihiin in ay ka madax banaan yihiin.

“Taiwan waxa ay sameyneyso waa meel ka dhac madax banaanida iyo midnimada Soomaaliya, waa in ay ka digtoonaa xadgudubka ay ku dhiiraneyso ee ka dhanka ah qarannimada Jamhuuriyadda Soomaaliya” ayuu yiri Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu sheegay in Soomaaliya ay Taiwan u aqoonsan tahay Gobol katirsan Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha, halka Shiinuhu uu Somaliland u aqoonsan yahay Gobollo katirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Gobolka Shiinaha ka tirsan Waxaanu rabnaa inaan u sheegno inaysan dalka Soomaaliya, qarannimada Somaaliya iyo midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed in aysan ku xadgudbin” ayuu yiri Mr Cawad.

Sii hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in aysan horumar ahayn xiriirka Taiwan iyo Somaliland uu yahay mid xadgudub ah oo labada dhinac ku kala sameynayaan midnimada iyo qarannimada Jamhuuriyadaha Soomaaliya iyo Shiinaha.

“Sidaan marar badan sheegnay Soomaaliland waa dhulkayaga, waa dadkeena, wanaag iyo khayr ayaan la jecelnahay hormar ayaan la jecelnahay, laakiin aduunka waxa jira Albaab dalalka qaranimada iyo madaxbanaanida leh si loola dhaqmo ayaa jira” ayuu yiri.

Cawad ayaa intaa ku daray in Dowlada Soomaaliya aysan aqoonsanayn Taiwan isla markaana ay aaminsan tahay in ay tahay Gobol katirsan Shiinaha, sidaas oo kale Shiinaha Somaliland ma u aqoonsanayo in Soomaaliya ay ka madax bannaan tahay.

“Taiwan anagu xiriir lama lihin oo waxaan aaminsanahay mabda’a hal Shiine oo dalka Shiinaha Bijiin ayaan u naqaanaa”. Ayuu intaa ku daray sii hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad.

Dowladaha Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa diidan xiriirka cusub ee Taiwan iyo Somaliland, kaas oo haatan gaarsiisan in xafiisyo diplumaasi ka kala furtaan Hargeysa iyo Taipei.

Taiwan oo Somaliland ka furatay Xafiis Diblumaasi.

Shiinaha oo wax aan la aqbali karin ku tilmaamay xafiiska Taiwan ka furatay Hargaysa.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
__________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post