669 Views

Saraakiil ka Tirsan Qeeybta 27-aad oo gaaray Buulo-burde.

Saraakiil ka Tirsan Qeeybta 27-aad oo gaaray Buulo-burde.
____________________________________________________________________________

.

 Arbaco: June 8, 2022

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda oo uu hogaaminayo Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Kor. Maxamuud Xasan Ibraahim Baakaay ayaa gaaray degmada Buulo-burde oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

Saraakisha uu hogaaminayay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogg waxaa soo dhaweeyn u sameeyay Saraakiil ka tirsan Meleteriga Gobolka Hiiraan oo xiligan ku sugan Dagmada Bulo-burte ee gobolka hiiraan.

Booqashada Saraakisha Ciidamada Dowladda ayaa la xiriirta Sugidda amniga degmada Buulo-burde oo Baarlamaanka Hir-shabeelle ay isbuuc ka hor meel mariyeen in ay tahay Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle.

Sidoo kale Saraakisha ayaa sheegay in ay safarka ay ku gaareen Buulo-burde ay qeeyb ka tahay kuluf ma dhan ah Dagaalamayasha Al-Shabaab oo looga saarayo degaanada Gobolka hiraan Sida ay Shegeen Saraakisha gaaray Buulo-burde

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post