1485 Views

Soomaalidii magaca laheyd ee geeriyootay sanadkii tagey 2021-ka

____________________________________________________________________________

Sabti: January 1, 2022

Wuxuu 9-kii bishii Oktoobar 2021 ku geeriyooday xanuunka Covid-19.

Wuxuu ahaa qoraaga sheeko faneedka caanka ah ee Maanafaay, taas oo ay dad badan ku magacaabaan astaanta sheeko faneedda Soomaalida.

Afrax wuxuu buugaagtiisa caanka ah qoray sanadihii todobaatameeyadii iyo sideetameeyadii, waxaana ka mid ah : “Buugga Guur-ku-sheeg” oo uu qoray 1975, Buugga Nida Al-Horiyah oo uu qoray 1976, Buugga Maana-faay oo uu daabacay 1979 iyo Buugga Galti-Macruuf oo isna uu qoray 1980, sidoo waxa uu soo saaray buuggiisa Fan-masraxeedka soomaalida sanadkii 1987-kii.

Cali Mahdi Maxamed

Tobanka bishii March 2021 ayuu xanuunka Covid-19 ugu geeriyooday magaalada Nairobi.

Cali Mahdi Maxamed wuxuu noqday Madaxweynaha Soomaaliya sanadkii 1991 kadib markii ay burburtay dawladdii kacaanka.

Xilkaas waxa uu hayay intii u dhaxeysay 26-kii bishii January, 1991-kii ilaa 3-dii January, 1997-kii.

Intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya Cali waxa uu xubin ka soo noqday Aqalka Baarlamaanka.

Cabdicasiis Maxamuud Guuleed (Afrika)

20 Nov 2021, wuxuu ku geeriyooday weerar qarax loo adeegsaday oo ka dhacay Muqdisho.

Cabdicasiis Afrika wuxuu ahaa weriye muddo dheer ka shaqaynayay Soomaaliya, markii dambana madax ka noqday Radio Muqdisho.

Wuxuu caan ku ahaa barnaamij la magacbaxay Gun-gaar kaas oo uu ku wareysan jiray xubnaha ka soo goosta Alshabaab ama ciidamadu hawlgal ku soo qabtaan, halkaas oo ay ku bixin jireen xogo xasaasi ah.

Masuuliyadda weerarka lagu dilay alle ha u naxariistee weriye Cabdicasiis Maxamuud Guuleed oo loo yaqaanay Cabdicasiis Afrika ayaa waxaa sheegatay Al Shabaab.

Sida lagu baahiyay warbaahinada ay maamulaan Al-Shabaab waxay muddo dheer ku raadjoogeen wariye Cabdi Casiis.

General Maxamed Nuur Galaal

31 Jan 2021, Al Shabaab ayaa ku dishay Hotel uu ka daganaa Muqdisho.

Jeneraal Maxamed Nuur Galaal wuxuu ka mid ahaa saraakiisha ugu caansan ee ciidamada Soomaaliya, wuxuu ka qayb galay dagaalkii 1977 ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Galaal wuxuu ka hawlgali jiray saldhigii booliska ee la oran jiray Oriantalle ee gobolka banaadir, halkaas oo ay ka wada shaqeeyeen Maxamed Siyaad Barre, waxaana lagu qaatay Laba Alifle.

Wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ugu muddada dheeraa ee ku soo tababartay Ruushka isaga oo dalkaas ku maqnaa muddo shan sano ah.

Jiim Sheekh Muumin

24 Nov 2021, Magaalada Muqdisho ayuu ku geeriyooday.

Muxiyaddin Sheekh Muumin waxa uu ahaa mullaxamiiste aad loo qadariyo iyo musishan, heestii ugu horreysay ee uu laxameeyo waxay ahayd “Dhalinyarooy u Dhiidhiya Dhulkiina” sanadkii 1964 kii oo uu socday dagaal u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Jiim wuxuu ahaa macalin muusig oo ku wanaagsan tumista kabanka iyo gitaarka, dadkii uu wax baray waxaa ka mid ahaa kabanistihii Daa’uud Cali Masxaf oo isaguna geeriyooday.

Ibraahin ismaaciil Sugulle Sooraan

26 may 2021, Magaalada Burco ayuu ugu geeriyooday xanuunka Covid-19.

Ibraahin Ismaaciil Sugulle wuxuu ahaa mu’allif, abwaan iyo jilaa riwaayadihiisa aad looga jeclaa gayiga Soomaalida.

Tobankii sano ee la soo dhaafay waxay ka mid ahaayeen riwaayadihiisu kuwa loogu daawasho badan yahay.

Sanadkii 1979 kii ayuu Sooraan ku biiray kooxdii fanka ee Durdur, bilowgii wuxuu ka ahaa jilaa kaliya, balse markii dambe wuxuu noqday mu’allif.

Sooraan waxa uu xoogga saari jiray jilidda riwaayadaha taabanaya waciyiga bulshada ee markaas taagan.

Cabdiraxmaan Cismaan Maxabbe

20 Aug 2021, Magaalada Boorame ayuu xanuun ugu geeriyooday.

Waxa uu ahaa fannaan, mulaxan iyo hal-abuur ku luuqeeyay heeso badan oo caan ah.

Heesaha uu ku luuqeeyey kuwooda ugu caansan waxa kamid ah, “Halkan aynu joogna ma jidkii siraadbaa, Suul-dhabbaale, Geesiga barbaarta, Allahayow dhib badanaa nin ka tagay dhulkisii, Hargeysaay iyo Umadyehey”.

Cabdiraxmaan Dheere wuxu ka tirsanaa kooxdii ciidamada millateriga dowladii kacaanka ee Horseed faraceedi Jeneraal Da’uud ee magaalada Hargaysa.

Waxaa u dhaxday Aamina Cabdillaahi Xirsi, oo ah fannaanad caan ah, waxana caruurtiisa ugu caansan Hodan Cabdiraxman Dheere oo ah fannaanad da’yar

Faadumo Cali Jaamac (Nakruuma)

21 Feb 2021, Magaalada Muqdisho ayay ugu geeriyootay xanuunka Covid-19.

Faadumo Cali Jaamac (Nakruuma), Waxay ka mid ahayd 12 gabdhood oo lagu aasaasay kooxdii Hobollada Waaberi todobaatameedyadii, iyada oo qaaday heeso badan oo ay keli ku ahayd iyo kuwa talantaalli ah labadaba.

Nakruuma sidoo waxay ahayd jilaa riwaayadaha. Waxaa ka mid ah riwaayadihii ay wax ka dhigtay “Hablayohow Hadmaad Guursan Doontaan iyo Qaybo”.

Markii ay burburtay dawladdii Soomaaliya Nakruuma waxay u qaxday dalka dibaddiisa, balse dhawrkii sano ee u dambeeysay nolosheeda waxay ku qaadatay magaalada Muqdisho.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan

16 Feb 2021, Magaalada Muqdisho ayuu ugu geeriyooday xanuunka Covid-19.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan wuxuu tafsiirka Qur’aanka iyo barnaamijyo diini ah muddo ka jeedinayay Telefishinka Qaranka Soomaaliya, halkaas ayayna dad badan kala socon jireen sanadihii ugu dambeeyay ee noloshiisa.

Baaruud wuxuu ka tirsanaa Daladii Culumada Soomaaliyeed oo markii dambe loo rogay Hay’adda Culumada Soomaaliyeed, oo uu ku xigeen iyo afhayeenba ka ahaa.

Waxaa la sheegaa in uu indhaha beelay isaga oo dhawr iyo toban jir ah xilligaas oo uu baranayay diinta isaga oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Maxamed Aadan Shamuuri

1 Sep 2021, Magaalada Muqdisho ayuu ugu geeriyooday xanuun muddo hayay.

Maxamed Aadan Shamuuri wuxuu ahaa Fanaan la jecelyaahy iyo Jilaa riwaayadaha. Waxa uu fanka ku biiray todobaatameeyadii.

Sanadkii 1975 kii , wuxuu galay kaalinta koowaad ee barnaamijkii heesaha hirgalay isaga oo caan ku noqday heestii “Qalbi nabar ku yaalaan qaboobine”.

Shamuuri wuxuu isla dabayaaqadii todobaatameeyadii xubin ka noqday kooxdii Waaberi.

Cabdi Muriidi Dheere

Cabdi Muriidi Dheere, oo ku magac dheeraa Ajakis, waxa uu ahaa majaajiliiste aad loo wada jeclaa iyo daadihiyihii barnaamijka Masraxa Furan.

Wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya, xilliyadii sagaashanaadka ayuu magaciisa kasoo dhex baxay majaajiliisteyaashii Soomaalida, isagoo xoogga saari jiray codadka lagu turjumo filimada Hindiga ah ee afsoomaaliga loo baddalo, kuwaasoo uu ka sameyn jiray dhinaca shactarada.

Xilligaas laga soo billaabo, Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) wuxuu ahaa majaajileyste dadka si weyn u jecel yihiin marka uu kasoo muuqdo masraxyada.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif

23 Feb 2021, Muqdisho ayuu ugu geeriyooday xanuun.

Qoyskiisu wuxuu ka mid ahaa dhaqanka Soomaalida kuwooda uga caansan, in ka badan 20 jiil ayay awoowyadii ahaayeen ugaasyo.

Sanadkii 2016 ayaa ugaasnimo loogu caano shubay Xasan, kadib geerida walaalkiis Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Khaliif.

BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post