798 Views

Dowladda Soomaaliya oo joojisay hubka lala galayo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde

Dowladda Soomaaliya oo joojisay hubka lala galayo Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | January 03, 2021–Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in la joojiyay hubka lala galayo gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa waxaa lagu shaaciyay Go’aankaas, iyada oo dhinaca kale la sheegay in Go’aankaan uusan saameyn doonin ilaalada madaxda Sare ee Qaranka.

Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa ah kan ugu Shaqada badan Garoomada ku yaal Soomaaliya, waxaana amnigiisa ilaaliya Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Go’aankan kasoo baxay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli la galay waqti doorasho, isla markaana xubno ay kamid yihiin Midowga Musharixiinta ay ilaaladooda la galaan Garoonka markii ay dhoofayaan ama dano kale ay ka yeeshaan.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post