825 Views

Ururka Taalibaan oo calanka ka taagay magaalo istaraatiiji ah oo ku taal xadka Pakistan

Ururka Taalibaan oo calanka ka taagay magaalo istaraatiiji ah oo ku taal xadka Pakistan
____________________________________________________________________________

Arbaco: July 14, 2021

Ururka Taalibaan ayaa sheegay inuu qabsaday magaalada istaraatiijiga ah ee Spin Boldak ee ku taal xadka dalkaas uu la wadaago waddanka Pakistan, xilli ururkaasi uu sii wado la wareegidda dhul balaaran oo Afgaanistaan ah.

Dowladda Afgaanistaan ayaa waxa ay gaashaanka u daruurtay wararkaasi, walow sawirrada la soo dhigayo baraha bulshada ay muujinayaan maleeshiyaadka oo la sheekaysanaya ilaalada xadka Pakistan.

Islamabad ayaa lagu soo warramayaa inay xirtay barta xadka loogaga tallaabo taas oo ah marin muhiim ah.

In Taalibaanku uu maamulo bartaasi ku taal xadka koonfurta gobolka Kandahar ayey suuragal ah inuu kharash badan ka soo xareeyo canshuuraha kastamka.

Ururkaasi waxa uu hore u qabsaday goobaha loogaga tallaabo xadka Afgaanistaan ee wadammada Iiraan, Tajikistan iyo Turkmenistan

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post