699 Views

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Obasanjo oo ku soo wajahan Muqdisho

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Obasanjo oo ku soo  wajahan Muqdisho
____________________________________________________________________________


Axad: September 26, 2021

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo iyo wafdi ballaran ayaa maanta soogaraya magaallada caasimadda ee Muqdisho .

qaar kamid ah Masuuliyiinta dowladda somaaliya ayaa garoonka Aadan cadde kusoo dhaweynaya,madaxweynihii hore ee dalka Nigeria iyo xubnaha lasacoda.

Midowga Afrika ayaa u magacaabay Olesugun Obasanjo ergayga Geeska Afrika ee Xasilinta iyo Nabadeynta.

Shaqada Ergayga ayaa ah inuu kala shaqeeyo dhinacyada jilayaasha siyaasadda ee dalalka Afrikada Bari oo ay ka mid yihiin Soomaaliya oo xilligan wajahaysa xaalado kala guur ah wallow ay XFS raabagelisay Doorashada Aqalka Sare. Halka Ethiopia ay dagaallo u dhaxeeya Tigreeyga iyo Ciidamada Ethiopia.

Olesugun Obasanjo ayaa ahaa madaxweynihii 8 jeer oo isku xigxigta si dimuqraadiyad leh loo doortay ee Nigeria ka hor inta uusan xilka ku wareejin Cumar Yaradua.Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post