522 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle oo baaq ka soo saaray Abaaraha Baahsan ee kajiro Hir-Shabeelle.

Madaxweynaha Hirshabeelle  oo baaq ka soo saaray Abaaraha Baahsan ee kajiro Hir-Shabeelle.
____________________________________________________________________________


Isniin: January 24, 2022

Iyadoo qeybo badan oo ka mid ah Gobolada Soomaaliya ay ka jirto abaar daran oo saameysay Dad iyo  Duunyo, ayaa Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle Cali Cabdulahi Xuseen Guudlaawe Markale Ku Celiyay baaqiisa ku aadan u gurmashada Dadka ay abaaraha ku Saameyen deegaanno ka tirsan Dowlad Gobolkeedkaasi.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Sheegay inay Sii kordheyso Abaaraha Dalka  ka jiro Gaar ahaan deegaanno ka tiraan maamulkaas, isagoo tilmaamay inay ka Dowlad ahaan Wadaan Dadaalo Xoogan oo Loogu Gurmanyo dadka Abaaraha saameeyeen.

Sidoo kale, Cali Guudlaawe  ayaa Ganacsatada iyo Dowladdaba ugu baaqay in leyska Garabsado Caawinta kumanaanka dad ay Abaaraha Saameyen ee ku sugan deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle,

Madaxweynaha,  Waxaa uu sidoo kale, ugu baaqay Haa’yadaha Gargaarka dhankooda iney ka qeyb qaataan u Gurmashada dadka abaartu saameesay ee haatan la dhiban.

Deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolada dalka Soomaaliya, waxaa ka jirto abaar si xoogleh saameyn ugu yeelatay dadka iyo xoolihii ay dhaqanayeen, qaarkood ayaa u geeryooday halka kuwa kalena ay la dhiban yihiin oo ay heesato macluul iyo gaajo,inkastoo Dowladda Soomaaliya ay dhawaan gargaar aan badneen ay gaarsiisay degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post