1596 Views

Dhaawacyo laga daad gurayn doono Maanta Yemen

Dhaawacyo laga daad gurayn doono Maanta Yemen
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 03, 2018 —Kooxda Xuutiyiinta  ee dalka Yemen ayaa xaqiijiyay in Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay ay daad gurayn doonto dagaalameyaal ka dhaawacmay jabhadda Xuutiyiinta, islamarkaana ay geyn doonto Magaalada Caman.

Ku dhawaad 50 ka mid ah Kooxda dhaawacyadda xuutiyiinta ee Culus ayaa lagu wadaa in laga qaado magaalada caasimadda ah ee Sanca taas oo ay gacanta ku hayaan Jabhaduhu, iyaga oo galinka dambe ee maanta la gayn doono Caman.

Waxaa ay  sheegeen in tallaabadan uu codasaday Martin Griffiths oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen.

“Diyaaradda Qaramada Midoobay ayaa Isniinta ka dagi doonta garoonka caalamiga ah ee Sanca. Saddex dhakhtar oo Yemen u dhashay iyo dhakhtar Qaramada Midoobay ka socda ayaa dhaawacyada ka qaadi doona Sanca waxayna gayn doonaan Masqad.” Sida uu sheegay qof habeennimadii u hadlay xulafada.

Arrintan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiso kalsoonida ka hor wadahadallada ay labada dhinac yeelanayaan.

Wadahadallada ay Qaramada Midoobay taageerayso ee u dhaxeeya jabhadda iyo dawladda uu Sacuudigu taageerayo ayaa lagu wadaa in uu dhaco maalmaha foodda inagu soo haya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment