831 Views

Rooble oo booqday Dadkii ku dhawacmay qaraxii ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye

Rooble oo booqday Dadkii ku dhawacmay qaraxii ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye
____________________________________________________________________________

Axad  -January 3, 2021

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo caawa ku booqday isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho dhaawacyada howlwadeennadii ka shaqeynayay dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ee argagixisadu maanta ay qaraxa la beegsadeen ayaa tilmaamay sida ay uga go’an tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdoodaba in ay dhistaan dalka, kana xoreeyaan argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa mid mid u dul istaagay howlwadeennadan ku dhaawacmay iyagoo ka shaqeynaya horumarinta dalka, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Injineerro u dhashay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga, isagoo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Turkiga sida ay uga dhiirran yihiin garabsiinta walaalahooda Soomaaliyeed oo cadowga argagixisada ah ay u bartilmaamsadeen dadaalka dib u dhiska ah ee ay ka wadaan dalka.

“Argagixisadu waxa ay ka soo horjeedaan nabadda iyo howl kasta oo dalkeenna lagu horumarinayo, waxaase xaqiiq ah in marnaba weerradooda fulaynimada ah aysan ka hor istaagayn shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dib u dhiska iyo horumarinta dalka”.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Alle u weydiiyey naxariistiisa Janno walaalihii Turkiga ahaa ee ku nafwaayay falkan iyo muwaadiniintii Soomaaliyeed ee kala shaqeynayay dhismaha waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay xoogga saareyso daryeelka caafimaad ee halyeeyadan naftoodu u hibeeyey horumarinta dalkeenna.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post