624 Views

Madaxweynaha Jubaland oo kismaayo kula kulmay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom

Madaxweynaha Jubaland oo kismaayo  kula kulmay  Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom
____________________________________________________________________________

May 15 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam  uu  Kulan la qaatay Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Janan Stephen Townsend, oo booqasho ku tegay Jubaland.

Kulanka oo ahaa mid waqti qaatay ayaa la sheegay in lagaga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka Argagixisada iyo sidii maraykanku uu door muuqda uga qaadan lahaa in la wiiqo Argagixisada halista ku ah shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale kulankaan ayaa ku soo dhaamaday is afgarad sida ay saxaafada u sheegeen Madaxda Jubaland oo Kismaayo saxaafada kula hadlay.

Mudo 3 bil ka  yar  ayay ahayd markii kulan Nuucaan ah ay Kismaayo ku yeesheen axmed Madoobe iyo  Taliyaha howlgalka Maraykanka ee Africom Janan Stephen Townsend.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post