2028 Views

Guddoomiyaha Golaha dhacabka oo saddex guddi ku wareejiyey xafiisyadii…

Guddoomiyaha Golaha dhacabka oo saddex guddi ku wareejiyey xafiisyadii…
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 16, 2018 – Kusimaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoonka Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa mudooyinkii dambe waxa uu xarunta guddoonka iyo gudiyada ee Villa Hargeysa ka waday dhismaha xafiisyo ay ku shaqeeyaan gudiyada golaha shacabka ,waxaana dhawaan lasoo gaba gabeeyay dhismaha xafiisyada ay ku shaqeyn donaan 15-ka gudi ee golaha shacabka.

Guddoomiyaha golaha shacabka ayaa maanta xafiisyadooda ku wareejiyay ilaa sedax gudi oo ka tirsan golaha shacabka oo kala ah gudiga xuquuqul insaanka ,Guddiga arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah iyo sidoo kale gudiga Howlaha guud,waxaana Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah gudiga howlaha guud ee golaha shacabka uu u mahad celiyay guddoonka golaha shacabka.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa Gudoonka ku bogaadiyay howsha wanaagsan ee ay qabteen.

In gudiyada golaha shacabka ay helaan xafiisyo ay ku shaqeeyaan waxa ay gudiyada u sahleysaa in ay helaan meel loogu soo hagaago oo ay ku qaban karaan howlaha loo igmaday oo ay ka mid yihiin la xisaabtanka iyo kor joogteynta Hay’adaha Dowladda.

Ilaa laba iyo Toban xafiis oo ay ku shaqeyn doonaan 13-gudi ayaa weli harsan kuwaasoo dhawaan lagu wareejin doono gudiyadii loogu tala galay in ay ku shaqeeyaan sida guddoonka golaha shacabka uu sheegay.

gud-barlamka-8 gud-barlamka-7  gud-barlamka-5 gud-barlamka-4 gud-barlamka-3 gud-barlamka-2 gud-barlamka-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment